Ciidamda Israaiil oo Toogasho ku Dilay Wariye Aljazeera Ka Tirsanayd

Daanta Galbeed – (Warsoor) – Ciidamada Israel ee Daanta Galbeed Dhulka Falastiin ayaa goordhaweyd Toogasho ku dilay Wariyihii Warbaahinta Aljeezara uga soo warami jirtay Dhulka Falastiin Shireen Abu Akleh.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay Wariyaha oo saaka doonaysay inay tabiso Howlgalo ay Ciidamada Israel ka wadeen Daanta Galbeed.

Shireen Abu Akleh ayaa Warbaahinta halkaas uga soo warami jirta mudo dheer waxayna ahays Falastiiniyad kasoo jeeda Dadka ay dhibaatada joogtada ah ku hayaan Ciidamada Israel.