Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo isku dhex wadda hawl-galo Dagaal iyo Samafal ah

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa sii kordhaya kala firaxdaka Kooxda, waxaa kaloo sii kordhaya isu soo dhiibka gacanta Dowladda, isi soo dhiibka waxaa ugu dambeeyay laba Horjoogeyaal sare oo ka tiran kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidammada dowladda ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Labadan horjooge ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Goobbe) iyo Food Aadan Maxamuud. Ilo wareedyo laga soo xigtay Saraakiisha Ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka, waxaana Raggaan lagu tilmaamaa in ay ka mid ahaayeen horjoogayaasha is qariya ee talada kooxda wax ka gooya, tanina waa farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab.

Labada nin ayaa la socday baabuur noociisu yahay Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo kaddibna ka soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere, kan ugu weyn waxaa la yiraa Aadan Goobe, waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada, isaga oo u matalin jiray gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose.

Labadaan horjooge oo ku jira gacanta dowladda ayaa haatan lagu hayaa goob nabdoon, iyadoo saddexdii bilood ee la soo dhaafay Al-shabaab ay ka soo goostay ilaa tobaneeyo horjoogeyaal ah iyo boqllaal malleeshiyaad ah, oo u adkeysan waaye cadaadista dagaal ee ciidammada dowladda iyo duqeymaha diyaaraha Mareykanka ee lagu baacsanayo kooxahan argagixisada ah.

Hay’adda Nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal la soo baxay waxaa lagu sheegay in Horjooge Aadan Goobe oo isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda uu soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ee caasimaadad Soomaaliya, kaasi oo horey u ahaa xubin sare oo ka tirsanayd Alshabaab.

Dhanka kale Ciidammada Kummaadoosta Soomaaliya ayaa mar kale gurmad raashiin ah gaarsiiyey shacabka masaakiinta ah ee ku sugan deegaannada Sabiid iyo Caanoole. Ciidank DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tagay deegaannada Sabiid iyo Caanoole iyagoo gawaaridooda ku soo raray raashiin noocyo kala duwan leh oo ay ugu talo galeen in ay uga jawaabaan dhibaatada dhinaca nolosha ah ee ka jirta deegaanadii ay dhowaan sida xoogga ah uga saareen Maleeshiyada Itaalka darran ee Al-shabaab.

Taakuleyntaan oo ah tii labaad ayaa ujeedkeedu yahay in la badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee u baahan amniga iyo gurmadka, kuwaas oo sannado badan aanan helin gargaar sidaan oo kale ah, maadaam ay gummaad ku hayeen argagixisada Al-shabaab, waxaana arrintaani faahfaahin ka bixiyay Afhayeenka ciidanka Danab Dr. Mawliid Axmed Xasan, wuxuuna sheegay in markii la qabtay Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ay Ciidamadu gaarsiiyeen Deeq Raashin iyo waxyaabo kale oo ay u baahnaayeen Dadka Deggan Goobahaasi, shalayna waxaa la gaarsiiyay Mucaawino kale oo ka kooban Raashin iyo qalabka Guryaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.