Ciidamada Danab oo lagu wareejiyay amaanka Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Dhuusamareeb -(warsoor) – Raโ€™iisul wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ku wareejiyay amaanka garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaaladda Dhuusamareeb.

Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa lagu wareejiyay Amniga Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ayaa saldhigo ka samaystay Kontorooladda laga Galo Garoonka Diraadaha Ugaas Nuur, waxaana halkaasi laga qaaday Ciidamo horay ugu sugnaa.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ugu tagay ciidanka lagu wareejiyay Garoonka Dhuusamareeb isagoo kula dar-daarmay Adkeynta Amniga Goroonkaasi.

Shalay ayay aheed markii Dowladda Faderaalka iyo Maamulka Galmudug ay isku afgarteen in amaanka Magaaladda Dhuusamareeb lagu wareejiyo Ciidanka Amaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya, waxaana Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow uu sheegay in ay amaanka iyagu Masuul ka yihiin.

Xigasho: Caasimada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.