Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Gacanta ku dhigay Rag iyo Dumar sameynayay Waxyaabaha Maanka dooriya

Muqdisho (warsoor) Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayey Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ka sameeyeen Xaafada kaabo godey ee degmada Dharkeenley waxaana lagusoo qabtay rag iyo dumar ku sugnaa guriga uu bartilmaameedka howlgalku ku wajahnaa oo lagu sameynaayey walxaha maanka dooriya.

Howlgalka ayaa lagusoo qabtay calaq jiirgaamo ku cabeysnaa iyo xashiish lagu sameynaayey Walxaha maanka dooriya oo kooxda ku shaqeysan jirtay, Saraakiisha howlgalkan hoggaaminaayey ayaa sheegay in gurigan uu ahaa goob saldhig u ah ganacsiga walxaha maanka dooriya.

w

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in howlgalada lagula dirirayo walxaha maanka dooriya oo dhibaato badan ku leh Nolasha bulshada ay si gaar ah ciidamada ula dagaalami doonaan oo uusan howlagalkani noqon doonin kii ugu danbeeyey.

Wada shaqeyn dhex martay Ciidamada Booliska iyo Dadka deeganka ee ku sugan xaafada Kaabo godey oo howlgalkani laga fuliyey ayaa fududeeyey in howshani sidii loogu tala galey ay u dhacdo.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.