Ciidamada amniga Soomaaliya oo howlgallo amni xaqiijin ah ka wada magaalada Jowhar

Jowhar – (warsoor) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hortagay weerar arbushaad ah oo xalay maleeshiyaadka ka tirsan  Al-Shabaab ay ka sameeyeen xaafad ka ka mid ah degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, iyadoo aysan jirin cid ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku dayay in xaafadda Hanti wadaag oo ka tirsan degmada Jowhar ay ka geystaan weeraro gaadmo ah, waxaana arrintaasi ka hortagay ciidamada amniga, kuwaasi oo kala ceyriyay kooxihii weerarka soo qaaday.

Howlgallo ammaanka la xariira ayay ciidamada ka wadaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Jowhar, kuwaasi oo lagu baadi goobayo dad lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen isku day weerar oo xalay ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Jowhar.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.