Ciidamada Ammaanka Puntland oo ka hortagay weerar ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Shabaab

Puntland – (warsoor) –¬†Dagaal u dhexeeya Ciidamada ammaanka Puntlanda iyo kooxaha argagixisada Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya deegaanka Balli-Khadar oo ka tirsan Buuralayda Galgala ee Gobolkaasi ayaa sheegay in ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland oo saldhig weyn ku leh deegaankaasi Balli-Khadar ay ka hortageen weerar arbushaad ah oo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo bilowday abaaro xiligii Suxuurta, iyadoo lagu jebiyay maleeshiyaadkii Shababa ee weerarkaasi soo qaaday,lamana sheegin weli khasaaraha halkaasi ka dhashey.

Deegaanka Balli-Khadar oo kuyaalla saldhigweyn oo ay ka howlgalaan ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa qayaas ahaantii waxkabadan 80 KM u jira magaalo xeebeedka Boosaaso,waa deegaan istraatiiji ah wuxuuna ku dhexyaalaa Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari.

 

Xigasho: sonna

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap