“Caynaba Isma Dhalin Rogin, Waxa Aynu Leenahay Caynaba Ma Taqaan Is Dhalan Roga, Diga Rogashada Ma Taqaano” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Caynaba – (warsoor) –  Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa ka hadlay taageerada xisbiga KULMIYE uu ku haysto gobolka Saraar.

Mudane Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo maanta magalada Caynba gaadhay ayaa sidoo kalena sheegay in dadweynaha reer Caynabo ay muujiyeen taageerada ay u hayaan Xisbiga KULMIYE waxaanu arrimahaasi kaga hadlay munaasibad lagu qaabiley weftiga KULMIYE oo Caynaba ka dhacday waxaannu yidhi “Gobolka Saraar magaalo madaxdiisa Caynaba oo aynnu maanta joogno meel muran ku jirta inay tahay xisbiga KULMIYE Saldhig uu leeyahay ma jirto, gobolka Saraar  magaaalada Caynaba markii ururada la aas-aasay xisbiga KULMIYE ayuu isaga oo urur ah wuxuu ka helay 13 kii xubnood ee gollaha deegaanka wuxuu ka helay 7 xubnood, sanadkii 2002-dii, waxay ahaayeen aas-aasayaashii KULMIYE. Doorashadii 2003-dii iyo 2010-kiiba waxa ay ahaayeen taageerayaasha ugu loxdan, Caynaba isma dhalin rogin, waxa aynu leenahay Caynaba ma taqaan is dhalan roga, diga rogashada ma taqaano halkeeda ayey ku qaliajisataa, waxay ka mid yihiin dadkii doortay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee codka siiyey, ee xisbiga KULMIYE talada dalka ku haaneeday.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ KULMIYE todobadii sanno ee tallada dalka uu hayey reer Saraareed iyo reer Caynaba kuma khasaarin codkoodiina maanta farta dhexda ka qaniiniymayaan, balse way mahadiyeen, taariikhda ayaa ka run sheegaysa, ummadda ayaa ka run sheegaysa, hadii KULMIYE reer Caynaba ku khasaareen maanta sidaa Muuse Biixi Cabdi umay soo dhaweeyeen, calaamadaha KULMIYE-na sidaas looma siteen, waxaynnu leenahay KULMIYE halkan horumar ayuu ka sameeyey gobolka Saraar horumar weyna ayuu ka qabtay.”

“ KULMIYE wax badan ayuu gobolkan ka qabtay, maanta waxa ka jirta dawladd-nimo xoogan, nabadgalyo, iyo horumar, waxaan leeyahay maalmaha soo socda ayey cadaan doontaa taageerada gobolka Sool iyo Saraar KULMIYE ku leeyahay, Saraari waa KULMIYE, KULMIYE-na waa Saraar.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.