Cabdiraxmaan Cirro: Madaxweyne ha ka baqanin in aad tartanto, dalka iyo dadkuba doorasho ayay doonayaan

HARGEYSA – (WARSOOR) – Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaan madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu u diyaar garoobo inuu ka qayb-qaato doorashada madaxweynaha ee ku mudaysan 13 November 2022.

Musharaxa Cabdiraxmaan Cirro ayaa yidhi, “Madaxweyne Muuse waxaan leeyahay doorashadii 2017-kii lagu tartamay kursigii madaxweynaha adiga qaatay, doorashadii kalena way soo dhawdahay oo waa 13 November 2022 markaa Madaxweyne ha ka baqanin in aad tartanto, dalka iyo dadkuba doorasho ayay doonayaan cid yeelaysa doorasho dib u dhacdaana ma jirto; asxaabta mucaaradka ah yeeli mayso, shacbigu yeeli maayo wakhti inagu filan oo aynu ku tartan waynu haysana.Waan ka xumahay muran aan jirin in dalka laga abuuro dadkana in la jaah-wareeriyo looma baahna ~ xeerkan muranka la geliyay Madaxweynuhu waajibkiisii wuu ka gutay oo 21-kii cisho ee ay ahayd in uu ku ogolaado ama ku diido wuu ku saxeexay waanu ku diiday laakiin, waxa la isku haya Golaha ayaanu keenin iyo in uu keenay ahayd…haddii uu soo celiyayna maanta gole ayuu hor yaalla golaha ayaana xaq u leh go’aanka uu ka gaadhayo. Goluhu wuxuu xaq u leeyahay in uu madaxweynaha ku raaco soo jeedinta iyo in uu ku diido wixii kale ee la yidhaahdaba waa muran…Muranku wuu iska dhammaan doona cidna waxaanay xaq u lahayn heli mayso, cidna cid ma khasbi karto, cidna cid kama xoog weyna laakiin, sharciga ina kala maamulaya oo sharciga ayaynu ku soconayna..”

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo jaaliyadda Somaliland ee dalka Finland khudbad u jeediyay