Boqortooyada Sucuudiga oo Safiir u soo magacowday Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Boqortooyada Sucuudiga ayaa safiir rasmi ah u soo magacowday Soomaaliya.

Danjire Axmed bin Maxamed Al-Mawluud ayaa noqon doona safiir u horreeyey ee Muqdisho fadhiisan doona 30 sanno kaddib.

Boqorka Sucuudiga ayaa ku dhaariyey danjiraha habka-fogaan-aragga.

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa bishii la soo dhaafay socdaal ku yimid Muqdisho si ay u darsaan suurtagalnimada in Safaaradda Sacuudi Carabiya laga furo Soomaaliya.

Safarku wuxuu qayb ka ahaa qorshayaasha Riyaad ee ah inay fidiso shabakadeeda diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap