Booliska Jabuuti oo howlgallo ka billaabay caasimadda

JABUUTI – (WARSOOR) – Ayada oo lagu guda jiro dabayaaqada bisha barakeysan ee Ramadaan, oo shilalka waddooyinku ay kusoo kordheen magaalada Jabuuti ayaa cidamada booliska waxay billaabeen howlgallo ballaaran, oo ku xasilinayaan ammaanka jidadka magaalada.

Tallaabadan booliska ayaa ka dambeysay kadib marki maalmihii lasoo dhaafay a dhaceen shilal is daba socday, oo ka dhacay waddooyinka baabuurta ee magaalada, kuwaas oo gaystay dhaawac badan oo halis ah.