Blinken iyo Austin oo booqasha rasmi ku tagaya magaalada Kyiv

WASHINGTON – (WARSOOR) – Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa maanta oo Axad ah booqanaya magaalada Kyiv, sida uu sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

“Berrito, saraakiisha Mareykanka ayaa nagu soo wajahan, waxaan la kulmi doonaa xoghayaha gaashaandhigga [Lloyd Austin] iyo Antony Blinken,” ayuu yiri Zelenskyy oo suxufiyiinta la hadlayay Sabtidii, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horreysay oo rasmi ah oo saraakiil Mareykan ah ay ku tagaan tan iyo markii Ruushka uu weeraray Ukraine bishii Febraayo. 24.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa email Sabtidii ugu sheegay VOA-da: “Ka ma hadleyno arrintan.” iyadaoo Pentagon-ku uu sidoo kale warkan aanu u xaqiijin karin VOA-da.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale diiday inuu faallo ka bixiyo.

Saraakiisha Ingiriiska ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Ruushku aysan qabsan dhul cusub oo muhiim ah in kasta oo ay ku dhawaaqeen duullaanka soo cusboonaaday ee dhanka bari, halka Ukraine ay ku dhawaaqday bandow dalka oo dhan ah.

Saraakiisha Ukraine ayaa Sabtidii sheegay in 21,600 oo askari oo Ruush ah ay ku dhinteen Ukraine, iyadoo madaxweynaha Ukraine Zelenskyy uu dib u cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in uu la kulmo hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin si loo “joojiyo dagaalka”.

“Waxaan u maleynayaa in qof kasta oo bilaabay dagaalkan uu awoodi doono inuu soo afjaro,” Zelenskyy ayaa Sabtidii ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarun metro oo ku taal bartamaha Kyiv, isagoo raaciyay “in uusan ka baqeynin inuu la kulmo” Putin haddii uu hogaamiyo heshiis nabadeed oo dhex mara labadooda dal.