Bilad Sharaf iyo Bogaadin-bay Mutays-teen, Waftigii Madaxweynaha ee Shirkii Jabuuti Guusha Kasoo Hooyey. W/Q:- Xil.Maxamed Warsame Caalin (Timacade)

Qormadaydan kooban oo dulucdeeda guud tahay taageero iyo hambalyo aan u diraayo, Waftigii qiimaha lahaa ee uu hogaaminaayey, Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ee ka qayb-galay shirkii dhawaanta ka qabsoomay dalka Jabuuti, ee ay guusha weyn ee qaran, kasoo hooyeen.

Marka hore waxa aan halkan  si guud ugu mahadnaqayaa uguna hambalyeynayaaa, guud ahaan xubnihii waftigani ka koobnaa oo runtii ahaa miidhii iyo xulkii haldoorka qarankeena Somaliland, taasi oo muga miisaankooda aynu ka aragnay midhaha guusha ah ee ay kasoo hooyeen, shirkan ay inagu matalaayeen.

Marka labaad waxa an halkan si gaara ugu bogaadinayaa uguna taageerayaa, Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo golaha la tagay wafti xula oo ka hawl-gali kara, inay miiska ka ciyaaraan kagana doodaan, doorkii loo baahnaa ee mawqiifkeena qaran-nimo iyo masiirkeena ummadd-nimoba. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa aan ku bogaadinayaa qudbadii hufnayd ee kuna haboonayd in uu golahan la-tago ee uu madasha kaga dooday, taasi oo aynu ognahay miisaankii iyo saamayntii ay shirka ku yeelatay iyo sida ay dhinacii kale iyo dalalkii goob-jooga ka ahaa shirkaba ay waaqiciga jira u tustay, isla markaasna ay guud ahaan indhihii caalamka ee shirkan dhaqdhaqaaqiisa la socday ay ugu bayaamisay taariikhda iyo jiritaankeena ummadd-nimo iyo sidoo kale sida ay qaran-nimadeenu inooga go’an tahay ee aanay marnaba gorgortan u gali karin.

Sidoo kale madaxweynaha iyo waftigiisaba waxa aan markale ku hambalyeynayaa sidii hufnayd ee ay doodahii shirka ee maalmihii danbe ugu babac dhigeen, ugana gaws adaygeen in la dhex marsado haba yaraatee hal qodob oo masiirkeena qaran-nimo waxyeeli kara.
Shirkan oo bilowgiisii hore darifka kale ee doodu inaga dhaxaysay ee Soomaaliya ay dacaayado been abuura oo lagu jiho habaabinaayo bulshada reer Somaliland ay social mediaha ugu baahiyeen, ayaa natiijada guusha ah ee ay keentay dooda adag ee Madaxweyanaha iyo waftigiisu, ay ku noqotay gantaal qadhaadh oo ay ku dhadhamiyeen, sida ay ummadda reer Somaliland uga midaysan yihiin, masiirkooda guud iyo marka ay timaado in la wada difaacdo qaranimada iyo jirtaanka Somaliland.

Ugu danbayntii waxa aan halkan si guud ugu mahadnaqayaa uguna bogaadinayaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland, haday tahay xisbiyada mucaaradka ah, haday tahay qurbajooga iyo haday tahay qaybaha kale ee bulsho-weynta reer Somaliland, sidii milgaha iyo karaamada lahayd ee ay meesha uga soo wada-jeesteen uguna midoobeen, masiirka qaranimada Somaliland, taasi oo cadawgeena iyo guud ahaan caalamkaba tustay in qaranimadeenu tahay shay aynu wadajir u ilaashanayno ugana midaysanahay, taasi oo aan usoojeedinaayo in sidaa iyo si kasii adag ahaano aadna loosii xoojiyo wada-jirkeena qaranimo ee aynu ku wada difaacanayno jiritaanka qarankeena Somaliland.

Alla Mahad leh

Xil.Maxamed Warsame Caali (Timacade)

Golaha Deegaanka

Caasimada Hargeysa