Beesha caalamka oo qoraal ka dhan ah xariga Roobow iyo dilkii shacabka Baydhaba u dirtay DF una hanjabtay

Muqdisho – (warsoor) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa qoraal xasaasi oo ka dhan ah habkii loo fuliyey xariga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu dilay Baydhaba u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka wkaiil ah beesha caalamka.

Qoraalka oo ku socda wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysteen xadgudubyo ka dhan xeerarka xuquuqda aadanaha QM, islamarkaana maadaama QM ay bixiso mushaarka ciidamada qeyb ka mid ah, ay qasab tahay inay arrintan jawaab u raadiso.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in xadgudubyada ay ciidama gaysteen ay ka mid tahay dilka 15 qof oo shacab ah kuwaas oo ayaga oo dibadbaxaya lagu dilay magaalada Baydhaba 13-kii iyo 14-kii December,  ayna jiraan caddeymo muujinaya xadgudubyadan.

Haysom ayaa qoraalka ku sheegay in dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in ciidamada Soomaaliya ay xushmeeyaan xeerarka dalka iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaraarka QM ee lagu aas-aasay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM iyo ciidamada AMISOM uu dhigayo in si loo helo taageerada maaliyadeed ee QM ay qasab tahay in loo hogaansamo xeerarka xuquuqda aadanaha ee QM.

Waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku lifaaqay qoraal kale oo ay usoo direen Midowga Yurub, iyo dalalka Jarmalka iyo UK, oo taagerada kala laabtay booliska Koonfur Galbeed, sababo al xiriira falalkii ay ku kaceen. Saddexdan dhinac ayaa qeyb ka ah barnaamij lagu taageero booliska Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo loogu magac daray JPP (Joint police Program).

Midowga Yurub, Germany iyo UK ayaa sidoo kale jawaabo ka dalbanaya dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan xadgudubyada lagu tuhmayo ciidamadeeda.

Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in caddaymaha la hayo ay muujinayaan in xariga Roobow ay fuliyeen ciidamada NISA oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya.

Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in wasaaradda amniga gudaha ay xariga Roobow sabab uga dhigtay inuu hub gaynayey magaalada Baydhaba, sidoo kalena abaabulayey maleeshiyo. Haysom ayaa yiri “Waa eedyemo culus, haddii ay jiraan balse dowladda wax dambi ah weli kuma soo oogin Roobow, ayada oo xeerka dambiyada dalka Soomaaliya uu dhigayo in eedaysanaha dacwad lagu soo oogo mudd 48 saac gudahood ah ama la sii daayo”

Waxa uu sioo kale qoraalkiisa ku yiri in inkasta oo dowladda ay ku eedeysay Roobow inuu jebiyey heshiiskii cafiska loogu fidiyey markii uu isa soo dhiibay, haddana Soomaaliya aysan lahayn xeer cafis.

Sidoo kalena dowladda, ayuu u sheegay inaysan weli shaacin qoraal saxiixan oo ku aadan waxa Roobow lagula heshiiyey.

Waxa uu dowladda ka dalbaday inay deg deg jawaab uga soo bixiso dhowr su’aalood oo ay ka mid yihiin 1 – Maxaa sharci ah oo loo adeegsaday xariga Roobow.

2 – Ciidankee ka tirsan kuwa Soomaaliya oo fuliyey xariga, kaalin intee la eg ayaysan ku lahaayeen ciidamada Itoobiya?

3 – Muxuu yahay sharciga loo adeegsaday in cafis loo fidiyo Roobow, maxayse ahaayeen shuruudaha lagula heshiiyey?

4-  Maxaa tallaabo ah oo la qaaday si lo helo amar xabsiga lagu sii hayo Roobow, wax ka baxsan 48-ka saac ee xeerka dambiyada Soomaaliya?

Haysom ayaa sidoo kale dhowr su’aal oo kale oo la xiriira dilkii dadka shacabka ahaa ee Bayhdaba hor-dhigay dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo iminka jawaabtooda laga sugayo.

Haysom ayaa u muuqday mid ku hanjabaya in QM ay taageerada dhaqaale ka goosan doonto ciidamada Soomaaliya, haddii aysan dowladda bixin jawaabaha ku saabsan qaabkii laa maareeyey xariga Roobow, iyo tacadiyadii xuquuqda aadanaha ee ciidamada ay gaysteen oo ay ugu weyn tahay dilka dad shacab ah.

Hoos ka aqriso qoraalka oo English ah oo aan soo koobnay muhiimaddiisa.

Xigasho: Caasimada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.