Beesha Ayuub oo Baaq u Diray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Bayaan ka soo baxay beesha Ayuub ee ku dhaqan magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa baaq u diray guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi.

Baaqa beeshaya Ayuub ayaa u dhigtay sidan:

“Horaa loo yidhi “Abaal Nin gala waa la arkaa balse Nin Guda lama arko”, Cabdi Xaashiyow Ayuub shalay adigoo ka cararayay inaadeerka Ina Jirde ayuu Ayuub kaa ogalaaday inaad la tartanto waliba kuu hibeeyay isagoo bilaa matalaad ah labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya. Sidaa darteed Ayuub siduu kugu lisay maanta ugu hanbeyn.

Guddoomiye Cabdi Xaashiyow waxaa tahay oday ee Akhiradaada ilaasho oo hadaad qof u xidhayso u xidh Ayuub ha u xidhin cida kuraas haysata xaqa Alle ayaa kaasoo saari waa aduunyo oo bari ayaa laga tagayaa halkan Meel aan cidi bari ku odhanayanin anigaa kuu hiilinaya ayaa la tagi (Rabi agtii).

Waxaanu ku leenahay Cabdi Xaashiyow sharaf iyo karaamo ku dhamayso inta aduunyada kaaga hadhay oo Ka leexo kuraasta Aad dad u xidhayso dadka kale.

Ayuub xaq ayuu kugu leeyay mid hore iyo mid dambeba. Adeer ducada iyo Habaarka Ayuub waa la arkaa ee Ha qaadan Habaar Ayuub waa naga Talo.

Hadaad cid kursi u xidhaysid Ilaahay ha kaasoo saaro Inkaarta Ayuub idim Alle.

Ka leexo hooy ka leexo Kursiga Ayuub.

Habaar ha gurane Alle ka Baq.

Cabdi xaashiyoow Ayuub meelkasta oo uu joogaba waa ku og yahay inay kursiga kaaga tanaasuleen hadana uga kici maysid markaasad waliba doonaysaa inaad kuraasidii kale ee Hargeysa Reero kale oo 5 kursi oo aqalka hoose ah haysta inaad u xidhid.

Miyaadan Rabi ka baqayn?
Miyaadan Alle xasuusanayn?
Miyuusan qabri kusugayn?
Miyaadan damiir lahayn?
Miyaadan magac xumo ka baqayn?
Miyaadan godob ka baqayn?

Waxaad tahay waayeel ee Alle ka baq oo xaqa Ayuub ha hor istaagin hadaad ka hor leexan waysid Ayuub waydun is-baran.”