BASASHA WAXAA LAGA SAMAYN KARAA CABBITAAN DAWO AH (Q.2)

5. LAFA BURBURKA / IS LISKA LAFAHA EE OSTEOPOROSIS

Lafaha oo waaya ama lumiya cufnaanta macdaneed ayaa keenta in ay jilcaan si fudud isu lisaan isla markaana ay burbur keenaan, taas oo ah xaaladda caafimaad ee loo yaqaanno Osteoporosis.

Xanuunkani waxa uu si gaar ah ugu badan yahay haweenka, gaar ahaan waxa uu ku dhacaa marka ay da’da caada deyska gaadhaan. Cilmibaadhiso lagu sameeyeyna waxa ay muujiyeen in raadka togan ee muudka basashu ku leeyahay lidka mariidku ay caawiso in ay dib u wanaagsanaadaan cufnaanta lafuhu.

Marka maalin kasta la cabbo 100 ml oo basal la miiray ah, muddo siddeed toddobaad ah, waxa la dareemayaa isbeddelk weyn oo ku yimi caafimaadka iyo quwadaysiga lafaha. Waxa kale oo uu cabbitaanka basashu caawiyaa daweynta xaaladaha caafimaad darro ee kale ee la xidhiidha lafaha.

6. LA DAGAALANKA XANUUNKA MACAANKA

Cabitaanka basasha laga sameeyaa waxa uu boqolkiiba 50 yareeyaa heerka Gulukoosta ku jirta dhiigga qofka qaba xanuunka macaanka noociisa labaad. Waxa kale oo uu cabbitaankani ka qayb qaataa dib u cusboonaysiinta unugyada ‘Beta’ ee ganaca oo marka ay dhaawacmaan sababa xanuunka macaanka, kaddib marka uu ganacu soo saari kari waayo maadadda sonkorta gubta ee Insulin.

7. DAWADA XASAASIYADDA

Cilmibaadhis lagu sameeyey raadka uu muudka basashu ku yeelan karo waxyaabaha sababa xasaasiyadda jidhka bani’aadamka, waxaa lagu ogaaday in cabbitaanka basasha laga sameeyaa uu si weyn u caawin karo yaraynta barootiinnada ‘Inflammatory cytokines’ oo iyagu sababa xasaasiyadda maqaarka iyo xanuunnada kale ee shabbaha sida xiiqda.

8. WAXA AY LA DAGAALANTAA QABOWGA IYO HARGABKA

Basashu waxa ay ka mid tahay dawo guriga lagula dagaalamo hargabka iyo noocyada duriga ee qabowga ku yimaaddo. Basal la miiray oo lagu daray in yar oo malab ah ayaa dawo waxtar muuqda leh u noqon kara habdhiska neefsiga iyo hargabka.Daraasadaha lagu sameeyey faa’iidooyinka muudka basashu waxa ay tilmaameen in dareeraha laga miiro basasho uu caawin karo yaraynta bararka iyo xidhanka ku dhaca marinnada neefta, isla markaana uu yareeyo caabuqa ku dhaca. Isla markaana uu ka takhaluso balqanka iyo xabka ka dhasha hargabka ee xidha marinnada neefta.

9. CAAFIMAADKA ILKAHA

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in raadka liddiga ku ah jeermiska ee ay caanka ku tahay basashu uu sida oo kalana ka takhaluso suuska ilkaha ku dhaca iyo caabuqa cirridka.

10. KA HORTAGGA BUROOYINKA KANSARKA AH

Cilmibaadhiso lagu sameeyey waxtarka caafimaad ee basashu jidhka u leedahay ayaa daahfuray, in muudka basashu uu caawin karo ka hortagga faafitaanka kansarka ku dhaca xiidmaha iyo malawadka, sida oo kalana uu faa’iido u leeyahay ka hortagga noocyo kale oo ka mid ah kansarka, sida kansarka ku dhaca naaska iyo midhicirada.

11. FAA’IIDOOYIN KALE

Faa’iidooyinka kale ee uu cabbitaanka laga miiro basashu leeyahay waxaa ka mid ah, in uu joojiyo dhiigga ka furma sanka, in uu madax xanuunka daran daweeyo, in uu daweeyo xanuunka qaaxada, in uu dhaqso u daweeyo findoobka, in uu yareeyo garaaca iyo xanuunka xubnaha iyo xaglaha iyo in uu daweeyo gubniinka fudud.

XIGASHO: MARJAAN