Baarlamanka Britain oo dood ka yeeshay aqoonsiga Somaliland

LONDON — (WARSOOR) – Baarlamanka Britain ayaa xalay ka dooday mooshin uu soo gudbiyay xildhibaan Gavin Williams oo horey u ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee dalkaas, kana mid ah xildhibaannada u ololeeya in Britain ay aqoonsato Somaliland. 

Mudanaha soo gudbiyay codsiga dooddan ayaa sanadkii 2019-kii booqday magaaladda Hargaysa, xiligaas oo uu ahaa wasiirka gaashaandhiga, waxaana uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhiabanada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand.

Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga arrima badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.

Xildhiabanka ayaa intaa ku daray in xaqiiqada aan la iska indha tirin islamarkana aysan dowladda Britain ku qaadan muddo dheer oo kale in ay sugto aqoonsiga Somaaliland.”Runtii haddeynu nahay siyaasiyiinta golahan waxaan u baahannahay inaan arrintan hoggaamin ka muujinnaa, waxaan u baahannahay saaxibbadeen soomlailand inaan u muujinno inaan diyaar u nahay inaan difaacno sida ay iyaguba noo difaaceen, marka xitaa haddii aanu ka soo bixi karin dhammaan ballan-qaadyada caynkaas ah waxaanu jecelnahay in aanu niraahno, xataa haddii aynaan odhan karin Somaliland Ayaan imnkaba aqoonsaneynaa,waxaan u baahannahay inaan fadhiisanno oo aan ka tashanno sidii tallaabbooyinka xiga aan u sii ambaqaadi lahayn” ayuu yidhi mr Gavin.

Xigasho: voa iyo bbc