Baarlamaanka Soomaaliyai oo Wax ka badal Ku Sameeyey Sharciga Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka

Muqdisho – (warsoor) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay wax ka bedelka hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Hindise sharciyeedkan ayaa soo maray heerar kala duwan sida aqrinta 1-aad, aqrinta 2-aad, iyo aqrinta 3-aad.

Inta uu maraayay heerarkaas ayaa xildhibaanada waxay ku dareen talooyinkooda iyo soo jeedino la xiriira meelaha in laga bedelo u baahan xeerkan.

Kulanka oo ay soo xaadireen 141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay muhiimada uu xeerkan leeyahay iyo sida ay guddigooda ugu soo shaqeeyeen bilihii u dambeeyay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in maalinta sabtida cod loo qaadayo hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaan walbo uu fursad u heysto inuu talooyinkiisa uu ku biiriyo.

“Codeynta sharcigaan waxa ay dhaceysaa maalinta Sabtida xildhibaan walba waxa laga codsanaya inuu isku soo diyaariyo maadaama maanta aysan fadhin kooramkii lagu codeyn lahaa, xildhibaankii doonaya inuu wax ku daro fursad ayuu heystaa”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.