Baarlamaanka Soomaaliya oo Sabtida Lagu Waddo Inay Ka Doodaan Mooshinka Guddoomiyaha

Muqdisho – (warsoor) – Wararka laga helayo xafiiska Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in kulankii Arbacadii Shalay baaqday ee Baarlamaanka Soomaaliya lagu wado in la qabto Sabtida 7-da April.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa la filayaa inuu farriimo u kala diro xildhibaanada iyadoo xarunta Baarlamaanka ay ammaankeeda sugayaan ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaali ah.

Iyadoo arrintaasi ay soo shaac baxday ayaa xildhibaannada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay bilaabeen shirar jaraa’id oo aan kala go’ lahayn, iyadoo dalbanaya inay kulankaasi aanu ka dhicin xarunta Baarlamaanka ee la geeyo xarunta xalane ee AMISOM maamusho.

Xildhibaano goor dhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xarunta Baarlamaanka aanu amaankeeda sugneyn oo aysan aamin ku qabin, ayna ku talinayaan in kulanka Baarlamaanka lagu qabto meel dhexdhexaad ah.

Xigasho: Caasimada Online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.