Baarlamaanka Soomaaliya oo Daaqadda Ka Tuuray Muddo Kordhin ay Xukuumaddu Soo Dalbatay

Muqdisho – (warsoor) – Fadhi ay yeesheen baarlamaanka Soomaaliya maalinimadii shalay ayaa lagu qaadacay dalab uga yimid xukuumadda Soomaaliya oo doonaynaysay in muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda dawladda federaalka Soomaaliya.

Dalabkan xukuumadda oo uu soo gudbiyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay dhici karto in ciladdo farsamo ay keenaan in dib doorashadu uga dhacdo wakhtiga loo qoondeeyey in la qabto.

“Waxaa rajeyneynaa inaan doorashada ku qabanno xilligii loogu talo-galay, laakiin haddii ay dhacdo iyadoo la shaqeynayo ay dhinaca farsamada wax ka suuro-geli waayaan waqti ayaa loo baahan doonaa. Aniga iyo guddoonka baalamaanka ayaa wadahadalnay arrintan”, sidaasi waxaa yidhi Ra’iisal Wasaare Cumar.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inuu dalbaday in muddo laba bilood ah loo kordhiyo xukuumadda xukuumadda oo la qabto doorashadda bisha December 2016.

baarlamaanka_Soomaaliya

Dawladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay doorasho ku dhisan nimaadka beelaha ee 4.5 lagu soo doorto laba gole iyo madaxweyne ka dibna uu  madaxweynuhu soo magacaaba Ra’iisal wasaare, isna soo magacaabo golaha wasiiradda ee xukuumadiisa.

Doorashadan ayaa lagu mudeeyey in dhacdo bishii September ee 2016 oo hadda ay ka hadhsan tahay muddo 4 bilood ahi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.