Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xukuumadda cusub

MOGADISHU – (WARSOOR) – Kulan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo Golaha Shacabku ay maanta yeesheen ayay ku ansixiyeen xubnaha golaha wasiirada ee uu dhowaan magacaabay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisulwasaare Rooble oo baarlamaanka la hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siin doonto qabsoomidda doorashooyinka dalka ka dhacaya, iyo sugidda amniga goobaha doorashooyinka. Waxaa kale oo uu sheegay in ay dardargelin doonaan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Intaas ka dib ayay Golaha Shacabku waxa ay codka kalsoonida u qaadeen golaha wasiirada, iyadoo 188 xildhibaan ay oggolaadeen ansixinta xukuumadda cusub. Guddoomiyaha baarlamaanka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin cid diiday ama ka aamustay.