Baanka Dhexe Ee JSL Oo Ugu Baaqay Bulshada Inay Soo Xareeyaan Lacagta Duugawday Ee Shilinka Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ugu baaqay bulshada inay soo xareeyaan lacagta duugawday ee shilinka Somaliland ee 10 shilin, 20 shilin, 50 shilin iyo 100 shilin.

Warqad kasoo baxday baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland oo loogu talo’galay warbaahinta soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu yidhi sidan: –

Baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland, isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ila markaana cuskanaya qodobka 41aad farqaddiisa kowaad ee xeer Lr. 54/2012 kuna saabsan mawduucan kor ku xusan waxaanu ogaysiinaynaa dhammaan bulshada inay soo xareeyaan lacagta duugawday ee ka kooban 10 shilin, 20 shilin, 50 shilin iyo 100 shilin. Waxa lagu soo xaraynayaa laamaha baanka dhexe jsl ee ku kala yaala gobollada dalka muddo dhan 14 cisho oo ka bilaabmi doonta 28 bishan todobaad ee 2021.

Muwaadinka kusoo xareeya noodhadhka kor ku xusan muddada loo qabtay waxa uu baanka dhexe ee Somaliland ugu badali doonaa noodhadh la qiimo ah cadadka uu keeno.