Arsenal Oo TOBAN Ciyaartoy Suuqa Dhigtay Xilli Ay Xaaladdii U Xumayd Ku Jirto

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhegaysato dalabyada laga soo gudbinayo toban ciyaartoy oo kooxda koowaad ah oo uu ku jiro kabtankooda reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Arsenal ayaa doonaysa lacago kaash ah ka hor inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda, si ay ula soo saxeexan karto ciyaartooyo kale.

Kooxda ka dhisan woqooyiga London ayaa xilli ciyaareedkan noqotay naadiga lacagtii ugu badnayd suuqa geliyey, waxaanay £129 milyan oo Gini ku kharash gareeyeen safarta saxeex ee cusub ee Nuno Tavares, Albert Sambi Lokonga, Ben White, Martin Odegaard iyo Aarons Ramsdale.

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, Arsenal waxay doonaysaa inay iibiso toban ka mid  ah ciyaartoydeeda koowaad toddobaadka ka hadhsan waqtiga uu xidhmayo suuqu, kuwaas oo ay meesha uga saarayso liidashadooda ciyaareed iyo saluuga ay ka qabto oo lagu daray mushaharka badan ee ay qaataan.

Weeraryahanka reer Gabon ee Aubameyang oo heshiis cusub saxeexay September 2020, isla  markaana toddobaadkii qaata mushahar gaadhaya £250,000 Gini ayaa si lama filaan ah uga mid noqday liiska ciyaartoyda iibka ah.

Laacibkan oo Fayraska Korona oo ku dhacay uga maqnaa ciyaartii furitaanka horyaalka ee Brentford ee guul-darrada loo xambaariyey, waxa uu beddel ku yimid waqti dambe kulankii xigay ee Chelsea ay sida xun ugu garaacday.

Tababare Mikel Arteta waxa kale oo uu diyaar u yahay inuu iibiyo goolhaye Bernd Leno kaddib markii ay lasoo saxeexdeen Aaron Ramsdale. Waxa kale oo liiska ku jira Saed Kolasinac oo la sheegay in kooxdu ay xataa diyaar u tahay inay kansasho qandaraaskiisa haddii aanay wax dalab ah ka helin.

Ciyaaryahannada kale ee Arsenal ay iibinayso waxa ka mid ah Hector Bellerin, Ainsley Maitland-Niles oo amaah ku maqan, Lucas Torreira oo amaah ku maqan, Willian, Reiss Nelson, Eddie Nketiah iyo Alexandre Lacazette.