Amniga Dalak Kenya Oo Si Weyn Loo Adkeeyay Xilli La Sugayo Go’aanka Maxkamadda Sare

Kenya – (warsoor) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay soo saarto go’aan ku saabsan dacwaddii ka dhanka aheyd natiijada doorashada madaxtinimada.

Guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashadii bishii hore ka dhacday dalkaas wuxuu helay 7.1 malyan cod halka siyaasiga caanka ah Raila Odinga uu helay 6.9 malyan oo cod natiijadaas oo muran badan uu ka dhashay.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga Kenya xilli laga war sugayo go’aanka maxkamadda.Waxaa la xidhay waddooyinka gala maxkamadda halka albabada la isugu dhuftay iskuullo badan.

Waxaa sidoo kale ciidamo badan la geeyay deegaannada la isdhihi karo inay rabshado ka dhacaan.

Afar ka tirsan toddobada xubnood ee guddiga doorashada ayaa qaadacay natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati, iyagoo sheegay in tirinta codadku ay ahayd mid mad madow uu ku jiray.