Al-Shabaab oo saaka qabsatay Goofguduud Buureey

Goofguduud – (warsoor) – Warrarka ka imaanaya gobolka Bay ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ciidammo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen tuulada Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca waddada aada degmada Waajid sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidanka weerarka qaaday ayaa tuulada dagaal la’aan ku galay ka dib markii ciidanka dawladdu ay isaga baxeen halkaasi. Illaa hadda dhinacyada Al-Shabaab iyo maamulka Konfur Galbeed kama aysan hadlin weerarkan u dambeeyay.

Al-Shabaab ayaa horey u qabsatay tuulada Goofguduud Shabeelow oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca wadada aada degmada Diinsoor.

Dhinaca kale dagaalo ayaa saaka laga soo weriyay inay ka socdaan deegaano u dhaxeeya tuulooyinka Nuur Fanax iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Dagaalada ayaa dhexmaraya ciidammada dawladda oo ay taageerayaan kuwa midowga afrika iyo ciidamada Al-Shabaab.

 

Xigasho: BBC Somali

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap