Agaasimaha Shaqo Qaran Oo Magaalada Laascaanood U Tagay Bilawga Tabobarka Shaqo Qaran Ee Hablaha Gobolkaas

HARGEYSA – (WARSOOR) โ€“ Guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Sool ayaa maanta magaalada Laascaanood ka bilaabay sidii hablaha gobolkaas uga qabโ€™galaaya dufcadda saddexaad ee shaqo qaran ay u bilaabi lahaayeen tabobarka barnaamijkaas.

 Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Laascaanood Barkhad Cumar Axmed, agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Muโ€™addinka ayaa ardaydaas u sheegay inuu yahay mid lagu  lagu qorshaynaayo sidii ardaydaasi hablaha ahi waxbarashada barnaamijka shaqo qaran uga bilaabi lahaayeen jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood, oo ay hablahaas dhawaan waxbarashadu uga bilaabmi doonto.

 Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran wuxuu ku dhiirigeliyay hablahaas tabobarku u bilaabmi doono inay ku dadaalaan sidii ay u dhamaysan lahaayeen tabobarkaas ugana mid noqon lahaayeen ardayda barnaamika shaqo qaran ducadiisa saddexaad, si ay ugu noqoto shaqo abuur iyo aqoon korodhsi.

 Ugu dambayna guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa xarunta gobolka Sool kulan kula yeeshay agaasimaha barnaamijka shaqo qaran, iyadoo kulankaasina ku saabsanaa sii dar-dargelinta tabobarka hablaha shaqo qaran ee gobolka Sool.