Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA oo ku Guulaystay tartanka kursiga HOP067

Muqdisho – (WARSOOR) – Waxaa goordhowed Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu soo gaba gabeeyay doorashada kursiga HOPO67, kaas oo ay ku tartameen laba musharrax.

Kursigaan oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray loolan adag ayaa waxaa ku tartamay Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Yaasiin fareey iyo Maxamed Cali Culusoow kadib markii tartanka ay isaga hareen Saddex musharrax oo kale oo tartanka ka qeyb geli lahaa, waxaana kursiga ku guuleystay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Fareey)

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa ku dhawaaqey in Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Fareey) uu helay 68 Cod halka Maxamed Cali Culusoow uu helay 20 Cod, waxaana halaabay 3 Cod.

Goordhow waxaa la guda galayaa doorashada kursiga labaad ee Maanta oo ah HOPO43, kaas oo uu ku fadhiyo Xil. Xuseen Qaasim Iidow.