Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Boosaaso – (warsoor) – Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Col. Maxamed Aadm Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo oo manta gaaray magaalada Boosaaso ayaa kormeer ku sameeyey howlaha socdaalka ka socda Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaaasimaha wuxuuna halkaas kula kulmay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ka mid ah Garoomada ugu casrisan ee dalka ku yaala.

Waxaana uu agaasimaha ku ammaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada isaga oo kula dardaarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Col. Koofi ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib mudo ka badn 20-sano oo dalka dagaalo ku soo jiray,balse hadda la dareemayo horumar dhinacyo badan leh.

 

Xigasho: sonna

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap