Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Somaliland iyo Warshadaha oo kormeeray warshadaha wax-soosaarka dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa saaka kormeer ku tagay qayb ka mida warshadaha wax-soosaarka ee ku yaala caasimada hargaysa.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa mid uu kusoo kormeerayey agaasimaha guud uune ku ogaanayey xaaladooda wax-soosaar. Warshadaha kormeerka lagu marayey waxa ka mid ahaa Warshada Ranjiga ee Fortune iyo Warshada Furshaanta ee Karama.

Waxa kormeerka ku wehelinayey agaasimaha waaxda xidhiidhka dadweynaha iyo koox samaynayey xog ururin.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha

Website:https://moiid.govsomaliland.org
Twitter: https://twitter.com/SomalilandMOIP