Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Xadhiga Ka Jray Garoon

Hargeysa – (WARSOOR) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa xadhiga ka jaray Garoonka Hiraal Play Ground.

Garoonka ayaa dhawaan dib u habayn lagu sameeyay, waxaanu ka qayb ka ahaa barnaamijka ILED ee Midaw Yurub, waxaana hirgelisay haya’dda UNFPA, iyagoo kaashanaya hay’adda shaqo doon.

Agaasimaha fulinta ee Hay’adda Waddaniga ah ee SOHASCO ee uu ku dhexyaallo garoonku Cabdirisaaq Xuseen Jaamac ayaa soo dhaweeyay garoonkan cusub ee la hirgeliyay, waxaana uu tilmaamay inuu noqon doono mid wax weyn ka tara baahidii loo qabay garoonno cusub oo da’yarta loo dhiso, isagoo u mahdceliyay cidkasta oo qayb ka ahayd hirgelinta garoonkaasi.

Axmed Xasan Carab Akhyaar oo ku hadlaayay afka dhallinayrada loo hirgeliyay garoonka ayaa uga mahadceliyay dadka dhisay garoonkaasi, waxaana uu sheegay inay ilaashan doonaan imikka iyo mustaqbalka. Macallinka layliya kooxda Goodir Jamaal Cabdi Jante oo isna hadal kooban halkaas ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay dhismaha garoonkan cusub, isagoo xusay in xaafaddani ay nasiib weyn u yeelatay lahaanshihiisa.

Guddoomiyaha wargayska Dawan Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala kuwanaa ee uu soo maray dhismaha garoonkani, siyaabaha loogu talogalay inay uga faa’iidaystaan da’ yarta xaafaddan ku dhaqan, isagoo tilmaamay in la ilaashado garoonkan casriga ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa u mahadceliyay hay’adaha kala duwan ee iska kaashaday dhismaha garoonka, oo ay ugu horrayso haya’dda Midawga Yurub, oo bixisay dhaqaalaha lagu fuliyay, isagoo ugu baaqay bulshada ciyaaraha inay ilaashadaan garoonkan, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay u sii horumarin lahaayeen mustaqbalka.

Gebogebadii, agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaruhu waxa uu xadhiga ka jaray garoonkaasi, isagoo isagu uu laaday kubaddii ugu horreeyay ee dul orodda roogga cagaaran ee garoonkaasi.