Hargeysa – (warsoor) – Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay qasriga madaxtooyadda Somaliland waxaa uu kaga hadlay hadalo la isla dhex maraayey oo sheegaayey in dawladda Itoobiya ay qayb ka tahay heshiiska DP World.
Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Xuseen Dayr ayaa sharaxaad ka bixiyey qiimaha uu heshiiska DP world Somaliland ugu fadhiyo, masuuliyiinta heshiiska saxeexan iyo kuwa goob-jooga ahaa. Afhayeenka ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal laga waydiiyey in heshiiska DP World ay qayb ka tahay Itoobiya arimo kale la xidhiidha heshiiska.
Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee afhayeenka oo aanu ka soo xiganay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA:
This post is also available in:
Somali