Afhayeenka KULMIYE oo beeniyay in laga joojiyay in uu warbaahinta la hadlo

Hargeysa – (WARSOOR) – Afhayeenka xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE,  Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu baahiyay oo sheegayay in guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE  Maxamed Kaahin Axmed, uu ku amray in aanu warbaahinta la hadal amar la’aan.

Buuni ayaa sheegay in laga been abuuray wasiir Maxamed Kaahin oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga isla markaana ay warar kaasi baahiyeen dad aan masuuliyad u saaxiib ahayn.

Buuni oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Aniga oo ku hadlaya afka xisbiga KULMIYE iyo afka guddoomiye ku xigeenka 1-aad Maxamed Kaahin Axmed, oo shalay dad aan masuuliyad usaaxiib ahayni ay ka qoreen warar aan sal iyo raad toona lahayn, kuwaasi oo lagaga been abuuray guddoomiye ku xigeenka 1-aad, xisbiga iyo aniga, waxan shacbiga u sheegayaa in warkaasi yahay waxba kama jiraan”.

Buuni ayaa sheegay in ay warkan baahiyeen dad wax magarato ah oo ka xun awooda xisbiga talada haya ee Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Waxa fidiyay dad xamas ah oo aan caqli u saaxiib ahayn, ayna tahay markii la arkay awooda xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, madaxda KULMIYE iyo xukuumadda Jamhuuriyadda  Somaliland ee markale hanatay quluubta iyo awooda shacbiga Somaliland”

Maalintii shalay ayaa waxa baraha bulshada si wayn ugu baahay warar sheegaya in wasiir Kaahin uu Buuni ku amray in aanu warbaahinta la hadli karin ilaa uu amar ka helo madaxda sare ee xisbiga KULMIYE.