Adama Barrow oo mar kale ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Gambia

Banjul – (WARSOOR) – Madaxweynaha Gambia Adama Barrow ayaa si fudud ugu guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Satidii ka dhacday dalkaasi ku yaala dhinaca galbeed ee qaaradda Africa.

Natiijada doorashada oo ay Axaddii shalay shaaciyeen guddiga doorashada ayaa waxaa markiiba qaadacay musharraxiinta ka socday mucaaridka, kuwaas oo la filayo in ay loolan dhanka sharciga ah geliyaan Adama Barrow kahor inta aanu billaabin muddo xileedkiisa labaad.

Doorashadan ayaa aheyd tii ugu horreeysay oo xor ah oo Gambia ka dhacda muddo 27 sano ah, iyada oo aanu dalka joogin madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh, oo hadda masaafuris ugu nool dalka Equatorial Guinea, kadib markii uu diiday natiijada doorashadii isaga looga guuleystay sannadki 2016-kii, ee uu kusoo baxay madaxweyne Barrow.

Muddo xileedki koowaad ee Adama Barrow ayaa ahaa mid ay shacabku boggaadiyeen, hase yeeshee waxaa hadheeyay isbadallada dhaqaale ee uu keenay Coronavirus, kaas oo dhaawacay dhaqaalaha Gambia oo ku tiirsan dalxiiska, dhoofinta lowska iyo kalluunka.