Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Oo Shalay Xaruunta Gobolka Daad-madheedh Ee Oodweyne Ka Daah-Furay Tartanka Kubadda Cagta Ee Kooxaha Heerka 1-aad + SAWIRRO.

Oodweyne (WARSOIR)- Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Ayaa Shalay Xaruunta Gobolka Daad-madheedh Ee Oodweyne Ka Daahfuray Tartanka Kubadda Cagta Ee kooxaha Heerka 1-aad Ee Ka Dhisan Gobolka Daad-madheedh, Gaar Magaalo Madax-ddiisa Oodweyne.

Xaflad Si Heersare ah Loo Agaasimey Oo Loo Qabtay Bilaabista Tartankan kooxaha Kubadda Cagta Ee Gobolka Daad-madheedh, Ayaa Waxa Kasoo Qaybgalay Masuuliyiinta Kala Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh Md Maxamed Diiriye #Xayd (Dib-jir), Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Abdirashid Aideed Yasin, Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Ha’yaddaha Dawladda Ee Gobolka Daad-madheedh, Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Degmadda OodWeyne,Taliyayaasha Ciidamadda Kala Duwan Iyo Marti-Sharaf Kala Duwan oo goobtaasi Ku Sugnayd.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Cabdi-rashiid Caydiid Yaasiin oo ugu horayn halkaasi ka hadlay, Ayaa sheegay in Gobolka Daad-madheedh intii uu jirayba uu horumar Muuqda ka sameeyay dhinaca Ciyaaraha, maantana ay ka Wasaarad Ciyaaro Ahaan Ay Aad Ugu faraxsan Yihiin Inuu Si Rasmi ah u furo Tartanka Kooxaha Heerka 1-aad Ee Kubadda Cagta Ee Gobolka Daad-Madheedh.

Tartankan Kubadda Cagta Ee Gobolka Daad-madheedh Ee kooxaha Heera 1-aad, Ayaa Waxaa ka Qeyb-galaaya 4-Kooxood oo kala ah Naadiga Dawladda Hoose, Naadiga Telesom Group, Naadiga Goodir Iyo Naadiga Ku Ciyaara Magaca Cisbitaalka Guud Ee Magaaladda Ood-Weyne Degmadda Oodweyne.

Tifaftire Khaddar Ali Khum
Qumannews.net.
Har/Office.