HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee laga soo Doortay Gobolka Saaxil oo tiradoodu dhan tahay 10 Xildhibaan oo ka soo kala baxay Saddexda Xisbi Qaran,ayaa waxay safar ku tageen Gobolka Saaxil.

Ujeedada safarkani xildhibaanadab ayaa ahayd qiimaynta xaalada guud ee Gobolka Saaxil, gaar ahaan Xaalada Arrimaha Bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo nabadgelyada isla markaana soo indho indheyn doonaa shaqada u adeegida bulshada ee ka socota Gobolka Saaxil, iyaga oo kulamo la yeelan Doona Masuuliyiinta hay’daha dawlada ee kala duwan.

Waxaanay Xildhibaanadu booqasho saddex maalmood qaadan doonta ku joogi doonaan Gobolka Saaxil, isla markaana booqan doonaan deegaano kala duwan oo Gobolka tirsan