20 ku dhimatay Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad afartan kalena waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo maanta lala beegsaday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, qaraxyada ayaa muddo aanan kala fogeyn ka kala dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka oo aad ugu dhaw madaxtooyada iyo fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Khasaaraha ayaa la sheegay inuu intiisa badani ka dhacay agagaarka Tiyaatarka oo ah halka uu ka dhacay qarraxa hore.

Dadka dhintay waxa ku jira Allaha u raxmadee Wariye Cawil Daahir Salaad oo ahaa saxafi rug caddaa ah, kana tirsanaa telefishanka Universal xafiiskiisa Muqdisho.

Waxa sidoo kale dadka dhaawacmey ka mid ah masuuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaan Warsame Joodax iyo guddoomiye ku xigeenka dhanka nabad amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi lagu hoobtay ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Xigahso: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.