10 Dabeecadood Oo Uu Nin Kastaa Jeclaan Lahaa In Ay Xaaskiisu Yeelato (Q.1aad)

Waa ay dhacdaa in xidhiidh guur ku dambeeyaa uu ku bilowdo deymo iyo aragtida koowaad, laakiin waxa marar badan dhacda in guurku guuldarraysto haddii aanay lammaanuhu meelaha qaarkood ka midaysnayn ama arrimaha qaar aanay isku aragti ka ahayn. Waxaa iyaduna la mid ah haddii aanu lammaanaha midkood lahayn dabeecado iyo habdhaqanno kan kale si gaarah u jecelyahay.

Shabakadda internet ka ee ‘Her Beauty’ ayaa faafisay warbixin ay ku soo bandhigtay toban ka mid ah tilmaamaha uu nin kastaa nafsad ahaan ama dareenka hoose ee niyaddiisu isaga oo aan qurux eegin jeclaan lahaa in ay xaaskiisu yeelato. Waxaa ka mid ah tilmaamo laga yaabo in qofku uu dareemo in aanay wax xidhiidh ah la lahayn dareenka caashaqa iyo xidhiidhka lammaanaha, laakiin haddana la ogaaday in ninku uu ku xiiseeyo dumarka.

1. GABADHA DHIIRRAN: Raggu waxa ay jecelyihiin dumarka nolosha sida ugu dhammaystiran uga noolaada, taas oo ay ka mid tahay in ay xitaa diyaar u tahay in ay u badheedho waayo iyo duruufo ku cusub, in aanay ka baqan khatarta iyo dhiirranaanta qaarkeed. Tusaale ahaan gabadha ku dhici karta in ay gasho ciyaaraha dalladda lagaga boodo diyaaradaha iyo buuraha dhaadheer. Waa sababtaas ta inta badan ay raggu xiise iyo dareen kalgacal oo gaar ah ugu eegaan dumarka caanka ah, gaar ahaan dhinaca isboortiska iyo waxyaabaha adkaysiga iyo miidaamada u baahan.

2. GABADHA FAHMADA BADANIn lammaanaha qoyska ahi marar badan is khilaafaan waa arrin iska dabiici ah, laakiin mucangagnimada midkood lagu arkaa waxa ay keentaa niyadxumo iyo khilaaf burbur horseedi kara.Culmimada cilmiga bulshadu waxa ay sheegaan in raggu ay dabeecad ahaan si gaar ah u xiiseeyaan dumarka awoodda wadaxaajood leh, mar kasta oo ay wax tirsanayaan ama laga tirsanayana ku dhaca u leh gartan iyo in ay dooddeeda dhiibato, iyada oo aan ka tegeyn go’aamada labada dhanba raalligelinaya.Lammaanaha guud ahaan iyo gaar ahaan gabadha oo rumaysan wada xaajoodku waxa ay faa’iido gaar ah u leedahay arrimaha muhiimka ah ee qoyska sida barbaarinta ubadka oo inta badan ay dabeecaddani sababto in labada waalid u midoobaan aragtida ay ku barbaarinayaan.

3. GABADHA ISKU KALSOON: Gabadha nafteeda ku kalsooni ee qaddarisa qiimaheeda qofnimo iyo jiritaankeeda gabadhnimo, kuna qanacsan kaalinta ay nolosha kaga jirto iyo aragtida ay xambaarsan tahay difaaceedu, waa gabadh inta badan raggu ay jecel yihiin, marka doonistooda hoose ee aan damaca sharka ah ku dhisnayn loo dhaadacana ku qanacsan yihiin in rug ay la wadaagi karaan.Sababta ugu weynina waa in ay ogyihiin xaqiiqada ah ingabadha dabeecadahaas leh ay ku badan tahay farxadda iyo niyadwanaaggu. Taas oo ay aad ugaga duwantahay gabadha dhiggeeda ah ee aan iyadu dabeecaddan lahayn.

4. GABADHA NINKEEDA KU KALSOON: Marka laga hadlaayo xidhiidhka lammaanaha, suurtagal maaha in labada qof ee qoyska midkood kan kale 24 ka saac ilaaliyo waxa uu qabanayo iyo siraha uu sida gaarka ah u wado. Sida oo kale hinaasaha iyo naf-doorbidku waxa uu qofka u horseedaa wareer adduun iyo murugo, sidaas awgeed waxa ay xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu ogaadeen in nin kastaa uu hoos u jecel yahay gabadha aan ka shakiyin daacadnimadiisa.Waa dareen ay gabadha qudheedu la wadaagto, laakiin qormadani maadaama oo ay ka warramayso ragga iyaga ayaa aynu ku koobnaanaynaa.

LA SOCO…

Kamaal Marjaan