๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ: โ€œ๐——๐—ถ๐—ฏ ๐˜‚ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ด๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐˜‚๐˜‚ ๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ฏ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ธ๐—ผ๐—ฏ๐—ฐ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎโ€

Muqdisho – (WARSOOR) – Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulankii koowaad ee Guddiga Heer Qaran ee Hagista Mashruuca Dib-U-Daabicista Shillin Somaaliga, kaasi oo looga hadlay sidii loo dardar galin, isla markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyey Raโ€™iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii Guddigu shaqaynayay, iyadoo laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga, taasoo wax badan ka beddeli doonta dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee dalkeena.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, isagoo tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu waxwayn ka badali doono dib u habeynta hayโ€™adaha dhaqaale ee dalka, isla markaana haddii mashruucan uu guulaysto uu qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee ay guddigu yeelato ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha Guddiga, iyadoo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka kaga qayb galeen online.