๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎโ€ ๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ ๐—š๐—ผโ€™๐—ฎ๐—ป ๐—œ๐—ป ๐— ๐˜‚๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ž๐˜‚ ๐—๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ X๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐˜† ๐—ฆ๐—ถ ๐—ก๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ ๐—”๐—ต ๐——๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ ๐—จ๐—ด๐˜‚ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ ๐—–๐—ฒ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ผโ€

Muqdisho – (WARSOOR) – Raโ€™iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa guddoomiyey shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, kaasi oo looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku goโ€™doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah kuna jira xabsiyo kala duwan, kuwaas oo baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahayeen iyagoo nabad ah.

Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go,an tahay sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo, isagoo intaa ku daray in dowladdu muhiimad gaara siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dowladnimada Soomaaliya.