๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต-๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ธ๐—ฎ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐˜‚ – (WARSOOR) – Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa maanta daah-furay Madasha Iskaashiga Horumarinta Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay soo qabanqaabisay Wasaraadda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha kaas oo ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in madashan ujeedkeedu yahay isku dubarridka iyo hagaajinta gargaarka horumarineed ee deeq-bixiyeyaashu siiyaan dalkeena iyo sidii loo yeelan lahaa madal ka shaqaysa iskaashi joogto ah si looga wada shaqeeyo horumarka guud ee dalka, isagoo intaa ku daray xukuumadda DanQaran ay hiigsanayso in ay dawladdu ku hawlan tahay sidii loo gaadhi lahaa heer isku filnaansho iyo isku tashi ah.

Madashan oo ay hor-kacayso Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah Bulshada Caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.