𝗠𝗮𝗮𝗿𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗼𝗼 𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗞𝘂 𝗤𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝗦𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗛𝗮’𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗘𝗨𝗖𝗔𝗣

BERBERA – (WARSOOR) – Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka socota Ha’yadda EUCAP oo shaqaysa amniga Badda iyo Horumarinta saxiimadaha sabbeeya Biyaha Badda.

Sidoo kale, Ha’yadda EUCAP waxay wada-shaqayn dhow la leedahay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, kuwasoo ay ka wada shaqeeyaan sugida amniga Biyaha Somaliland.

Kulankan dhexmaray waftiga ka socda Ha’yadda EUCAP, ayaa masuuliyiinta iyo saraakiisha ka socday si weyn ula dhaceen Horumarka baaxada leh ee sannooyinkii u dambeeyey ay ku talaabsanaysay Dekeda Berbera, waxanu u hambalyeeyeen Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi inuu gadh-wadeenka ahaa tisqaadka mashaaricda horumarineed ee u ka hirgeliyey Dekeda Berbera.

Geesta kale, waxa ay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi iyo masuuliyiinta Ha’yadda EUCAP ka wada hadleen sidii loo sii kordhin lahaa aqoonta shaqaalaha iyo tayayntooda, isla markaana loogu qaban lahaa tabobaro xirfadooda kor loogu qaadayo.Gabo-gabdii kulanka, ayaa masuuliyiinta labada dhinac isla qaateen in lasii xoojiyo amniga Badda Somaliland iyo ilaalinteeda dhinaca Caafimaadka.