π™Žπ™„π™”π˜Όπ˜Όπ™Žπ˜Όπ˜Ώπ˜Ό π˜Ώπ™ƒπ˜Όπ™Œπ˜Όπ˜Όπ™‡π˜Όπ™ƒπ˜Ό π˜Ώπ˜Όπ™‡π™†π™ π™†π˜Όπ™ˆπ˜Ό π™π™π™π™Žπ˜Όπ™‰π˜Όπ™”π™Žπ™Š 𝙄𝙉 π˜Ώπ™„π˜½ π™‡π™Šπ™Š π™€π™€π™‚π™Š π™ˆπ˜Όπ˜Όπ˜Ώπ˜Όπ˜Όπ™ˆπ˜Ό π™‰π™Šπ™‡π™Šπ™Žπ™ƒπ™„π™„ π˜Ώπ˜Όπ˜Ώπ™†π™€π™€π™‰π˜Ό π™“π™Šπ™Šπ™‚π™Žπ˜Όπ™π˜Όπ˜Ώπ˜Ό π˜Όπ™ƒ π™„π™”π™Š π™‚π˜Όπ™‰π˜Όπ˜Ύπ™Žπ™„π™‚π™„π™„ π™”π˜Όπ™-π™”π˜Όπ™π˜Όπ˜Ό π™ˆπ™€π™€π™Žπ™ƒπ˜Ό π™†π˜Ό π™Žπ™„π™„ π˜½π˜Όπ™“π˜Όπ™”π™Š :

     Aduunka waxaa ka dhacay sanadkii 2008 hoos u dhac dhaqaale oo weyn oo wada saameeyey dunida waxaana markiiba laga dareemay wadamada uu dhaqaalahoogu fadhiyo sida maraykanka oo kale ee lala socon karo wax walba oo yimaadaa sida ay dadka u saameeyeen. 

Xiligaa dhaqaale xumadaasi dhacday waxa ay soo saartay nuglaanta dadka dabaqadaha hoose iyo kuwa haysta ganacsiyada yar-yar ee ay nolol maalmeedkooda ku dabaraan waxaana afkaatay in ay ku noolaadaan xaaladaha adag.

Dalalka dimuqaradiga ahi waxa ay qaateen siyaasada ganacsiga xorta ah , haddana waxa laga fursan waayey in waxii laga maarmi waayo ee sharci iyo xakamayn ah lagu sameeyo garoocid ( segregation) lagu sameeyo xeerarka si loo samatobixiyo dadka.

Maadaama ay siyaasadu ku fadhido u danaynta dadka iyo samato bixintooda waxa la qaatay siyaasada loo yaqaan kor u qaadida dhaqaalaha hoose ( Bottom up economy policy) oo waxa dalka maraykanka laga sameeyey qorsheyaashii ay ka mid ahaayeen caymiska caafimaadka ( health insurance) oo maraykanka labadiisa aqal dood badan ka dhaliyey.

Haddaba markii Aduunka uu ka dhacay Civid19 ayaa waxaa sidii oo kale uu si xoogan u saameeyey dhaqaalaha hoose iyk dadka xoogsatada yar yar ah iyo waliba danyarta , waxaana loo noqday in siyaasadii kor u qaadida dhaqaalaha hoose lagu noqdo ( Bottom up economic policy ) .

Waxaa ka mid ahaa qorsheyaashan la qaatay qorshaha weyn ee dalka maraykanku u bixiyey Samatobixinta dadka maraykanka ( American Rescue plan ) , Cashuur jarista ( Tax cut and refund ) , sidoo kale qorshe siyaasadeedka weyn ee dib u dhiska dabaqada dhexe ee ( Build back better ) oo ahaa qorshe qaran oo balaadhan.

Haddaba marka ay inagu dhacaan wax leh Saameyn dhaqaale oo nolosha dadkeena ah waxaa lagama maarmaan ah in dib u eegis iyo siyaasad dhaqaale oo dadka soo kabta lala yimaadaa waxaana ay munaasib tahay xiligani lagu jiro.

Dadka ganacsiga yar-yar haysta , xoogsatada muruq-maalka ah , nolosha qoysaska iyo bulshada uu dhaqaalaha hoose ku wareego ee isugu jirta , gadiidlayda yar-yar , meheradaha yar-yar ee shaaha iyo bunka laga cabo , suuqyada wadhatada , timo-jaraha , khudralayda , dukaanada yar-yar iwm waxa saameyn ku yeeshay covid19, hadana iyaga oo aan ka soo kaban ayay abaaro iyo maciishad barar haleelay.

Waxa halis ku sugan nolosha bulshada ugu badan dadkeena hadii aan si deg-deg ah wax ka badel iyo qorsheyaal lagu kabayo dhaqaalaha la sameynin si loo badbaadiyo nolosha dadkeena iyo dhaqaalaha dalka oo meesha ka sii baxaya.

Waxa kale oo ah in muhiimada la saaro wax walba oo kor u soo qaadi kara dhaqaalaha dalka iyo dakhliga maalin laha ah ee uu qofkii ku nool yahay ( per capita income ) oo ay ugu weyn tahay in maalgalin lagu sameeyo wax soosaarka dalka sida beeraha, xoolaha, kalluunka , beeyada iwm.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap