Xukuumadda Somaliland Iyo Ururka Saxaafadda Ee SOLJA Oo Kulan Ku Yeeshay

Hargeysa – (warsoor) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Ururka Saxaafadda ee SOLJA ayaa maanta oo Arbaca ah kulan ku yeeshay xarunta qasriga Madaxtooyadda ee caasimada Hargeysa.

Kulanka oo laba geesood ahaa ayaa waxa lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha
hawlaha saxaafadda, cabashooyinka jira iyo sidii waxa looga qaban lahaa.

Shirkan oo ahaa mid loogu gogol xaadhayo shir balaadhan oo maalinta  salaasada loo qaban doono, sadexda qaybood ee xukuumadda, garsoorka iyo guud ahaan saxaafadda dalka ayaa waxa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, saraakiil kale iyo xubnaha guddida fulinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Kulankaasi oo saacado qaatay waxa ay labada dhinac si qoto-dheer uga wada hadleen Saxaafadda iyo hawlaha ay hayso, caqabadaha haysta iyo sidoo kale khaladaadka ay saxaafaddu ku dhacdo iyo sidii dhamaan arrimahaasi wax looga qaban lahaa, looguna diyaar garoobi lahaa shirka maalinta arbacada ka dhici doona Madaxtooyadda.

Wasiirada xukuumadda ee kulankaasi saxaafadda la qaatay wax aka mid ahaa, wasiiradda warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani),  madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Qorshaynta Maxamed Ibraahim Aadan Qabo, xidhiidhka goleyaasha iyo technology-yada, Cali Xaamud Jibriil, wasiirku xigeenka madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi, Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Yuusuf Cabdilaahi Kaahin iyo taliyaha ciidanka booliska sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Xukuumadda Somaliland Iyo Ururka Saxaafadda Ee SOLJA Oo Kulan Yeeshay

Hargeysa – (warsoor) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Ururka Saxaafadda ee SOLJA ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta qasriga Madaxtooyadda ee caasimada Hargeysa.

Kulankaas oo laba geesood ahaa ayaa waxa lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha hawlaha saxaafadda, cabashooyinka jira iyo sidii waxa looga qaban lahaa.

Shirkan oo ahaa mid loogu gogol xaadhayo shir balaadhan oo maalinta  Arbacada ee bisha May tahay 24ka loo qaban doono, sadexda qaybood ee xukuumadda, garsoorka iyo guud ahaan saxaafadda dalka, ayaa waxa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, saraakiil kale iyo xubnaha guddida fulinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, kaas oo lagu soo qaadi doono sidii looga arrinsan lahaa meelna laysula dhigi lahaa arrimaha soo noqnoqday ee saxaafadda.