Xisbiga WADDANI Oo La Wareegay Quluubta Bulshada Rer Qoryaale ,

Qoryaale – (warsoor) – Guddoomiyaha WADDANI, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey degmada Qoryaale oo kamid ah degaanada ugu codka badan Gobolka Togdheer.

Wefti uu hoggaaminayo murrashaxa Madaxweynaha WADDANI Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay xubno ka yihiin hoggaamiyaha Xisbiga, xoghayayaal, siyaasiyiin iyo xubno ka mid ah siyaasiyiin waa weyn oo ay kamid ahayeen Axmed Jaanbiir Suldaan, Abiib Diiriye Nuur, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji) Farxaan Facuul, Sheekhal Axmar, Cali Aadan Cawaale, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo xubno kale  oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay Gobolka Togdheer, kana soo kicitimay magaalada Burco waxay maanta socdaal ku tageen xaruunta Degmada Qoryaale, waftigan ayaa markii ay halkaas gadheen waxa si layaab leh oo ah isu soo bixii ugu ballaadhna ee ka dhaca degmada Qoryaale ku qaabilay  kumanaan shacabka degmada Qoryaale ku dhaqan ah oo si qurux badan ugu soo lebbistay astaanta xisbiga WADDANI caanka ku yahay, isla markaana lu laayay caleemo qoyan ayna ka muuqato qiiro xad dhaaf ahi.

Taageerayaasha xisbiga WADDANI ee ku dhaqan degmada Qoryaale waxa siweyn uga dhex muuqday Siyaasiyiinta Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa WADDANI Mud. Muniir Axmed Cigaal oo ah laba siyaasi oo ka soo jeeda degaanka Qoryaale, kuwaas oo galbinaayay Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo farxad xad dhaaf ah wajigiisa laga dheehanaayay markii uu la kulmay kumanaanka ruux ee sida xamaasada leh ku qaabilay.

Soo dhaweynta ay bulshada degmada Qoryaale  ku qaabishay Murashaxa Xisbiga WADDANI iyo waftigiisa ayaa ahayd mid si weyn wax uga badashay fekerkii laga haystay shacbiga ku dhaqan degaankaas, kuwaas oo Xisbiga KULMIYE sheegan jiray inay u xidhanyihiin, waxana tageeradan la yaabka leh ee Xisbiga WADDANI ka hantiyay degaankaas hormood ka ahaa cuqaasha, odayaasha, waxgaradka, haweenka, haldoorka iyo aqoonyahanka degaankaas, sigaara waxa looga dhex arkaayay beesha Abokor Axmed oo kamid ah beelaha cududa ku leh degaanka Qoryaale oo si aan kala hadlahayn ugu soo biirtay Xisbiga WADDANI.

Waxgaradka beeshaas oo ay kamid ahayeen, Cheaf Caaqil Cabdirashiid Saleebaan Yuusuf, Oday Cali Maxamud Cilmi, Mujaahid Maxamuud Ismaciil Cali, Oday Siciid Xaji Xasan Aadan, Ganacsade Saleebaan Xaamud Iyo waxgarad kale ayaa kamid ah xubnihii la hadlay Murashaxa Xisbiga WADDANI ee u cadeeyay inay ku soo biireen Xisbiga  WADDANI cod iyo cududna la garab taganyihiin, kadib markii ay xaqiiq sadeen una cadaatay inuu yahay Xisbi danaynaaya oo ay ka helayaan xaquuda dalkana badbaadinaaya.

Waxa iyaguna goobtii gabayo tariikhda galay ka jeediyay abwaano ka soo jeeda degaanka Qoryaale oo gabayadii ay goobta ka tiriyeen ay qiiro galiyeen dhammaan xubnihii waftiga. Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Muniir Axmed Cigaal kaaliyaha murashaxa ee warbaahinta oo ugu bushareeyay Guddoomiyaha WADDANI in shacbiga degaanka uu ka soo jeedo is mujiyeen codkoodana ay ku soo saari doonaan haddii alle idmo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Siyaasiyiinta waftiga Murashaxa Xisbiga kamidka aha ayaa iyaguna dhammaantood ka hadlay madashii soo dhaweynta iyagoo si farxad leh ugu mahadnaqay shacbiga deganka Qoryaale tageerada ay u mujiyeen Xisbiga WADDANI. Hoggaamiyaha WADDANI Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa isna sheegay in dadweynaha degaanka Togdheer guud ahaan iyo degamada Qoryaale u mujiyeen Xisbiga WADDANI niyad samaan iyo tageero, sidoo kale wuxuu Mud. Xirsi ugu baaqay maamulka Degamada Qoryaale inay dhibta ka dayaan shacbiga aanay cidi qasbin ee rabitaankooda ku tageeray WADDANI, isagoo xasuusiyay inay maalmo koobani u hadheen kuwa dadka dhibaaya.

Ugu danbayntii Murashaxa Xisbiga WADDANI Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay dadweynaha degaanka Qoryaale ku dhaqan sida layaabka leh ee xamaasada leh ee ay u tageereen una soo dhaweyeen waftiga uu hoggaaminaayo, wuxuu sheegay in Xisbiga KULMIYE siweyn u dayacay arrimihii bulshada, isagoo shacbiga degaankaas iyo guud ahaan bulshada Somaliland xasuusiyay inay maanta haystaan fursadii ay ku dooran la hayeen cidii ku haboonayd tallada dalka ummadana ku dhiqi lahayd sinaan iyo cadaalad, wuxuu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbigu deeq lacageed  ugu deeqay ardaydii kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii Dugsigayada Somaliland ee wax ku barata degmada Qoryaale oo gaadhayay 8-arday oo kaalmaha hore galay, sidoo kale wuxuu ardayda dugsiga sare ee Qoryaale ugu deeqay xoolo loo qalo si ay ardaydu farxada ula wadagaan ardayda kaalmaha hore gashay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.