Jabuuti – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaacil Cumar Geel ayaa soo magacaabay maanta xukuumadda cusub oo taladda dalka Jabuuti waddi doonta shanta sano ee soo socda. Dawladda oo Ra’iisal wasaare ka yahay isla Ra’iisal wasaarihii xukuumaddii dhawaan wakhtigeedu dhamaaday.
Sida ay baahiyey Telefishanka Qaranka Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geel waxaa uu soo magacaabay dawladda cusub oo ka kooban 23 Wasiir oo 12 ka mid ah cusub yihiin. Waxaan xukumadda isla hogaamiye ka ah Ra’iisal Wasaare Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed ayaa ka jeediyey Wasiiradda iyo xilalka loo magacaabay:
Wasiiradda la magacaabay ayaa kala ah:
- Cabdiqaadir Kaamil Maxamed Ra’iisal Wasaare
- Muumin Axmed – Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka
- Cali Gulleed Abuubaker – Wasiirka Madaxtooyadda iyo maal-galinta
- Maxamud Ali Yuusuf – Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
- Ilyaas Muuse Dawaleh – Wasiirka Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Warshadaha
- Hassan Cumar Maxamed Burhaan – Wasiirka Arimaha Gudaha
- Bodeh Axmmed Rooble – Wasiirka Maaliyadda
- Cali Xasan Bahdoon – Wasiirka Gaashaandhiga iyo xidhiidhka Golaha Baarlamanka.
- Maxamed Cabdiqaadi Muuse – Wasiirka Gaadiidka iyo Guryeynta
- Jaamac Cilmi – Wasiirka Caafimaadka
- Mustafe Maxamed Maxamud – Wasiirka Waxbarashadda Qaranka iyo Dusgiyadda Farsamadda
- Nabiil Maxamed Axmed – Wasiirka Cilmi baadhista iyo Tacliinta Sare
- Cabdi Yuusuf Suguleh – Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta
- Maxamed Axmed Cawaale – Wasiirka Beeraha, Biyaha, Kaluumaysiga, Xoolaha Nool iyo Macdanta
- Muumin Xasan Barreh – Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Dhaqanka
- Yasin Xuseen Buux – Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah
- Xasan Idiris Sabriye – Wasiirka Shaqadda iyo Dib u habaynta maamulka
- Muumina Xumed Xasan – Wasiirka Arimaha Haweenka iyo Qoyska
- Amina Abdi Adan – Wasiirka Dib-u-dajinta, Guryeynta iyo deegaanka
- Xasan Xaamud Ibrahim – Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Ganacsiga
- Xamaduu Maxamed Carmiye – Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha
- Muuna Cismaan Adan – Xoghayaha dawladda ee Arimaha Bulshadda
- Xasan Maxamed Kaamil – Xoghayaha Dawladda ee Dhalinyaradda iyo ciyaaraha