Shirkadda East Africa Group Oo 400 Kartoon Oo Caano Ah Ugu Deeqday Xarun Lagu Hayo 600 Qof Oo Xanuunsanaya

Hargeysa (warsoor) – Shirkadda East Africa Group, ayaa deeq Caano Moor-garaysan ah ku wareejisay Xarunta SAHAN oo lagu dabiibo Dadka Qaba Xanuunnada Dhimirka, taasi oo ku taalla Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Munaasibad Shirkaddaasi ku wareejisay 400 oo Kartoon oo Caano Moor-garaysan ah, ayaa waxa ka qayb-galay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), Maamulka Xarunta Sahan iyo Maamulka Shirkadda Caanaha ugu deeqday Dadka Xanuunsanaya ee lagu hayo Xarunta Sahan.

Maamulaha Shirkadda East Africa Group Mr. Maxamuud Nuur Muraase oo hadal kooban halkaa ka jeediyey ayaa yidhi “ILAAHAY baa Mahad leh oo noo suurtagaliyey inaanu hawshan Tabaruca ah fulino. Annaga oo ah Shirkadda East Africa Group waxaanu Xarunta SAHAN ugu deeqday 400 oo Kartoon oo Caano ah, markaa Caanahaa waxaanu ugu Talo-galnay Dadkaa dhibaataysan ee Xanuunsanaya, inkasta oo baahidu intaa ka badan tahay, sidaasi darteed waxaanu rejaynaynaa in ILAAHAY naga abaal-mariyo.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Tiirarka ay ku taagan tahay Xarunta SAHAN isla-markaana had iyo jeer Taageero la barbar taagan, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey ku sheegay in Caanaha Shirkadda East Africa Group ugu deeqday Dadka lagu hayo Xarunta SAHAN ay lacag ahaan yihiin Lix kun oo Dollar, waxaanu yidhi “Shirkadda East Africa Group oo ah Shirkad muddo ka shaqeynayey Somaliland, waxyaalo badana Dalka keenaa waxay Xarunta SAHAN keeneen (ugu deeqeen) 400 oo Kartoon oo Caano ah. Kartoon walba waxa ku jira Lix Litir oo Caano ah, markaa Afarta boqol waxay noqonayaan 3 kun oo Litir iyo dheeraad, Lacagtooduna waxay joogtaa Lix kun oo Dollar sida Shirkaddu inoo sheegay.”

Sheekhu wuxuu u duceeyay Maamulka Shirkadda East Africa Group “Maamulka Shirkadda waxaanu leenahay ILAAHAY meeshii aad ka soo saarteen wax ka khayr badan ha idiinku beddalo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Dadweynaha ugu baaqay in la is barbar taago Xarunta SAHAN oo lagu hayo Dad ka badan Lix boqol oo Qof oo qaba Xanuunnada Dhimirka “Shirkadaha waaweyn waxaanu leenahay Waar Meeshan wax ku tara waa meeshii sakadu ku baxayseye.”

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa u Mahad-naqay Maamulka Shirkadda East Africa Group “Aad iyo aad baan ugu Mahad-celinaynaa Shirkadda East Africa Group oo uu Hoggaaminayo Maxamuud Nuur Muraase iyo Maxamed Ismaaciil Ibraahim oo ah madaxa Iibka, waxaan leeyahay dareenkooda ayaa siiyey inay Deeqdan Caanaha keenaan Xarunta SAHAN, Annagana farxad ayay noo tahay. Waxa kale oo aad iyo aad ugu Mahad-celinayaa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sheekh Aadan-Siiro) oo aan leeyahay haddii aanu Sheekh Aadan barbar taagnaan lahayn Xarunta SAHAN ma jirteen, markaa Shirkadda East Africa Group waanu u Mahad-celinaynaa, Sheekh Aadan oo na soo gaadhsiiyeyna waanu u Mahad-celinaynaa, waxaanu leenahay Adduunka waxba laga qaadi maayee, Miisaanka Xasanaadka Alle ha idiinku daro.”

Mr. Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Afar Boqol oo Kartoon oo u dhigma 3 Kun oo Litir oo Caano ah, oo Lacag ahaana Lix kun oo Dollar ahi Annaga (Sahan) wax weyn ayay noo taraysaa..”ayuu yidhi.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.