Shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi

Nairobi – (warsoor) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa goor dhaw oo maanta ah lagu soo gabagabeeyay shir madaxeedka urur gobolleedka IGAD oo si gaar ah diirada loogu saaray xal u helida arrimaha la xiriira qaxootiga Soomaalida.

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta oo kulanka ka hadlay ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xeryaha Dhadhaab ee dalkiisa ay hoy u noqonto sida uu hadalka u dhigay kooxaha ‘’ Argagixisada’’

Madaxda wadamada kulanka ka soo qeybgalay ayuu ka dalbaday Kenyatta xal waara loo helo arinta ku saabsan qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab.

“Halkan (Kenya) waxaa ku taala xerada ugu weyn ee qaxootiga Soomaalida, waana ku faraxsanahay in shirkan muhiimka ahna aan martigelinay. Waxaan aaminsanahay in qaxootiga Soomaalida ay xaq u leeyihiin nolol sharaf leh”, ayuu yiri Kenyatta oo furay kulan madaxeedka.

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa qaxooti ku ah dalalka bariga Afrika, halka dhinaca kale 1.1 milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horraysay tan iyo markii la doortay fursad u helay in uu la kulmo hoggaamiyaasha dalalka IGAD oo afar ka mid ah ciidammadooda ay ka howlgalaan Soomaaliya, dalalkaasi waxay kala yihiin Kenya, Itoobiya, Jibouti iyo Uganda.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay hay’addaha samafalka ee ka shaqeeya arimaha Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan ugu guuraan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxa ka go’an in la abuuro jawi ay hay’adaha uga dhex shaqeyn karaan dalka gudahiisa”, ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal ay uga hortagayaan dhibaatooyin ka dhashay masiibooyinka dabiiciga ah oo ay abaarta ka mid tahay iyo Tahriibta oo ah dhibaato kale oo heysata bulshada Soomaaliyeed.

Qabashada kullankan IGAD oo ay sidoo kale riixayso hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa uu qeyb ka ahaa arrimihii ay madaxda IGAD ku heshiiyeen shir madaxeedkii Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii la soo dhaafay.

Ugu danbeyntii, mas’uul u hadlay urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in xasiloonida siyaasadeed iyo amni ee ka hanaqaaday Soomaaliya iyo cadaadiska dalalka deriska ah ka haysto martigelinta qaxootiga ay dhiirigeliyeen dardargelinta dadaallada xal kama dambeys ah loogu raadinayo qaxootiga Soomaalida

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.