Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo kulan la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland

Kismaayo – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo maanta kulan kula qaatay magaalada Kismaayo Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doortay dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa kala hadlay Aayaha iyo horumarinta dalka.

Kulanka oo ay saxaafadda dibadda ka joogeen ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashadii, isagoo mar kale ku celiyey inuu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynenimo, wuxuuna dhanka kale  faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen mudanayaasha kasoo jeeda Jubbaland

“Waxaan Xildhibaanada kala hadlay sidii Barlamaanka soo socda uu uga fogaan lahaa is qabqabsi iyo sidii Ummadda Soomaaliyeed dib u heshiisiin loogu sameyn lahaa isla markaasna Amniga loo adkeyn lahaa iyo sidii nidaamka Federaalka looga dhigi lahaa mid u shaqeeya dalka iyo dadka” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha oo dhanka kale sheegay iney muhiim tahay in la hormariyo dhaqaalaha dalka, isla markaasna dhallinyarada shaqo abuur loo sameeyo.

cumar4-640x480

Ra’iisul Wasaaraha oo muddo laba casho joogay magaalada Kismaayo ayaa dhanka kale wuxuu kulan la qaatay xubnaha maamulka Jubbaland. Wuxuuna gelinkii dmabe ee maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.