Musharax Cirro Oo Ka Haddlay Falkii Foosha Xumaa Ee Lagu Kacay Saaka Sheegayna In Ciidanku Booliska Saldhiga Dhaxe Ay Qoryaha Dhuunta Kaga Qabteen

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi cirro ayaa ka haddlay sababtii maanta loogu diiday in uu saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ku bookhdo siyaasi muniir Axmed Cigaal oo kamid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI iyo weriye Cali Jibriil Xasan,kuwaas oo ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa,waxaanu sheegay guddoomiyuhu in qoryaha ay ku soo fiiqeen askarta saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa,isagoo sidoo kale cambaareeyey xadhiga ay xukuumadda KULMIYE kula kacday masuul ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo weriyayaal la xidhay.

Marka hore waxaan canbaareynayaa xadhiga Muuniir oo ah sarkaal sare oo xisbiga ah oo aan xisbigana lala soo socodsiin xadhigiisana aanu u aragno sharci darro inuu yahay,hase’yeeshee arrinkaa umaan socon maantee waxaan u soconay inaanu soo booqano,kadinka dabada markaan joogay aniga iyo saraakiil badan oo xoghayaha guud kamid yahay oo xoghayaha cadaaladu kamid yahay waxa dhacday ciidankii halkaa jooga waxay yidhaahdeen amar baa nalagu siiyay inaan lagu soo dayn adoo gudoomiyihii baarlamaanka ah” ayuu yidhi gudoomiye Cirro.

Gudoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray “ Waxa kale oo aad ka war qabtaan inaan murashax ahay una sharaxan madaxwaynenimo iy gudoomiye xisbi intaba askartii Meesha joogtay waxaan waydiiyay ma igaranysaan inaan ahay gudoomiyihii baarlamaanka,haa bay yidhaahdeen gudoomiye laakiin amar baan haysanaa intaa ka badana hadeer ma sheegi karno”sidaas ayuu yidhi gudoomiey Cirro.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Ciro ayaa sheegay in falkaas lagu kacay saak uu ahaa mid qaranimada ku xun “Waxay ila tahay arrintaasi inay tahay wax magac qaranimadana ku xun oo dawladnimadana ku xun oo madaxbanaanida axsaabta qaranka iyo xeerka qarankana ku xun oo sharci darro ah haduu amarkaasi jirey ciddii bixisayna waa og tahay,amarkaana waxaan u arkaa inuu yahay mid sharci darro ah anniga oo intaasoo xil ka haya qaranka” Ayuu yidhi Musharax C/raxmaan Cirro.

Gudoomiye Cirro ayaa xaqiijiyay in ciidanka saldhiga dhexe ee magaalad Hargeysa joogaa ay qoryaha ku qabteen “Intaa waxa dheerayd in xitaa ciidanku qoryaha nagu soo fiiqeen anagoo aan hubaysnayn waxbana aan sidanin,waxa kale oo intaa dheer in la xidhay gaadhigii xoghayaha guud ee xisbiga,waxa kale oo la xidhay saxafiyiin Meesha maraysay,dastuurka qarankuna waxa uu sheegayaa in muwaadiniinta hadii aan dambi lagu haysan 24 saacadood ka badan lama hayn karo,dhacdadaasina way soo noqnoqotay markii u horeysay ee isteeshin boolis ah aniga shakhsiyan in laydiiyo inaan cid soo booqdana maaha waxaanay ila tahay taasi mel ka dhac waaye”sidaas ayuu yidhi mudane Cirro.

Gunaanadkii Murashaxa xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inuu la xidhiidhay taliyaha booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,balse uu taliyuhu telefoonka gacanta ka qaban waayay, “Madaxwaynaha qarankana waxaan leeyahay arrintaasi wuxuu u baahan yahay in wax ka qabto,saraakiisha kale ee taliyaha ciidanka boolisku ka mid yahay waxaan isku dayay inaan la hadlo Taliyaha booliska balse telefoonka igamuu qaban markii u horeysay ee uu taliyuhu iga qaban waayana maaha markaa waxaan leeyahay waxaan doonaynaa in arrintaasi jawaab cad laga bixiyo cidii amarka bixisay inay soo baxdo arrintaana ka hadhi mayno waanu daba galaynaa meel kaste oo ay gashana waan kaga daba galaynaa,waxaanan u aragnaa in qarankani inuu ku socdo sharciga hadii uu ku socon waayo sharcigana waxay kalifaysaa in sharcigu gacantiisa ku baaba’o”ayuu ku soo gunaanaday haddalkiisa Guddoomiye Cirro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.