Madaxweyne Farmaajo oo gaadhay Dalka Kenya

Muqdisho (warsoor) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo si heer sare ah loosoo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Kenya Maalinta Beri ah kaga qeyb galaya Xaflada Caleema saarka madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyaata oo markale ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.