Madaxweynaha Soomaaliya oo Siyaasiyiinta Iga Digay Inay Shacbiga Ugu Baaqaan Kacdoon Siyaasadeed

Muqdisho – (warsoor)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Shacabka oo la kiciyo islamarkaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo Dhibaato sii dheeraata,wuxuuna tilmaamay in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka Dowladnimo ee Dalka ka jirta.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in Dalka uu ka dhaco Kacdoon lagu dumiyo Nidaamka Dowladnimada ee Dalka ka jira si la mid Kacdoonkii lagu riday Dowladdii Milatariga ee ka jirtay sanadkii 1991-kii.

madaxweynaha_soomaaliya_xasan

“Soomaaliya waxaa ay Burbur iyo Dagaal ku jirtay Mudo Rubac Qarni ah,hadda waxay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda hayaan waddadii Dowladdnimo, marka ma ahan in aan Gacanteena ku dumino,waayo waxaa la xasuustaa waxii laga dhaxlay Dowladdii dhexe ee Dalka uu lahaa markii la riday”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli Dalku ku jiro kala guur oo ay ka dhici doonaan Doorashooyin iskugu jira mid Baarlamaan iyo mid Madaxweyne Bisha Oktoober ee sanadkan 2016-ka.

Xigasho

Wakaaladda SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.